Ururka Al-shabaab ayaa iska fogeeyey inay caqabad ku noqdeen howlihii gargaarka ahaa oo ay hay'adda WFP ka waday gobolada konfureed ee dalka Somalia xilli shalay hay'adda WFP ay ku dhawaaqday inay hakisay gargaarkii ay ka qeybin jirtay gobolada konfureed ee dalka.
Afhayeenka ururka Al-shabaab Shiikh Cali Maxamuud Raage Cali Dheere oo la hadlay warbaahinta ayaa beeniyey war kasoo baxay hay'adda WFP oo ahaa inay dhaqaalo weydiisteen hay'adda WFP si loo sugo amaankeeda.
"Haba yaraatee ma jiro wax dhaqaale ah oo aan weydiisanay hay'adda WFP" ayuu yiri afhayeenka ururka Al-shabaab Shiikh Cali Dheere oo dhinaca kale sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay ka maarmi karaan kaalmo uga timaada dalka dibadiisa.
Wuxuu sheegay in magaca WFP uu markii horeba ahaa mid caqiido ahaan kasoo horjeeda diinta islaamka islamarkaana ay soo maleegeen dalal cadow ah sida uu hadalka u dhigay oo doonaya inay dhibaateeyaan shucuubta islaamka.
"WFP haddii ay wax bixinayso waa inay ka iibsataa Beeralayda Soomaaliyeed ee ma ahan inay dibadda ka keentaa gargaarka" ayuu si raaciyey hadalkiisa afhayeenka ururka Al-shabaab Shiikh Cali Maxamuud Raage Cali Dheere.
Si kastaba ha ahaatee hadalka beeninta ah ee kasoo yeeray ururka Al-shabaab ayaa imaanaya xilli shalay hay'adda WFP ay ku dhawaaqday inay hakisay gargaarkii ay ka qeybin jirtay konfurta dalka Somalia kadib markii ay sheegtay in ururka Al-shabaab ay u soo gudbiyey dalab dhaqaale.
Warbaahinta Xogsheeg
Miiska Wararka - Muqdisho
Email:-
xogsheeg@hotmail.com
Email:- Admin@xogsheeg.com
Latest News In Somalia you can get www.xogsheeg.comWarbaahinta
Xogsheeg
Miiska Wararka - Muqdisho
xogsheeg@hotmail.com
WARBAA UGU BAAHI BADAN!!!